Xiisad ka dhalatay Haweeneey lakufsaday oo ka taagan Shabeelada Dhexe

Wararka naga soo gaarayo degmada mahadaay ee gobolka Shabeelada dhexe, ayaa sheegaya in hada ay xaalada dagantahay kadib markii xalay is rasaaseyn xoogan laba beelood ku dhexmartay, tuulo hoostagta degmada Mahadaay.

Dagaalka u dhaxeeya labada beelood ayaa ka bilaawday kadib markii rag hubeysan ay kufsi u geysteen haweeneey ku nool degmada Mahadaay, manajirto wax war ah oo ilaa iyo hada kasoo baxay maamulka shabeelada dhexe iyo Al-shabaab, oo iyagu labadaba ka talinin degmada Mahadaay.

Ilaa iyo hada lama soo shegin wax dhimasho ama dhaawac ah uu sababay dagaalkii xalay halkaas kadhacay, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan ineey jiraan malaashiyaad weli isku horfadhiya halkaas, waxaana laga cabsi qabaa in ay markale dagaalamaan, hadaysan soo kala dhexgalin waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan halkaas.

Maamulka doowlada ee shabeelada Dhexe ayaa maalmahaan ku mashquulsanaa sidii uu u xalin lahaa qilaaf beeled ka dhaxeeya, laba kamid ah beelaha daga magaalada Jowhar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here