Xiisad iyo cabsi wali kataagan xaafada Isliii ee Nairobi

Waxaa wali ay xiisad iyo cabso xoogan ka taagantahay Xaafada ay Soomaalidu dagto Islii ee magaalada Nairobi kadib markii galabnimadii shalay uu halkaas kadhacay qarax lala eegtay baabuur Bas ahaa, qaraxaas oo ay ku dhinteen 7 qof tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen ayaa dhaliyay ineey isku dhacaan dhalinyaro caraysan oo Kenyan ah iyo Soomaalida halkaas dagan.

Ciidanka amniga ayaa xalay xafada Islii lageeyay si ay howlgalo uga sameeyaan, waxa ayna qabqabteen dad badan oo Soomaalia ah.

Sfiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo lahadlayay VOA-da ayaa waxa uu sheegay in dhowr qof oo Soomaali ah lagu dilay rabshadihii xalay ilaa maanta ka soconayay Xaafada Islii.

Dhinaca kale dhalinyarada Kenyaatiga ah ayaa weeraray goobo ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay halkaas iyadoo qaar kamid ah goobahaas la boobay sida ay xaqiijinayaan dadka ku sugan halkaas.

Maxamed Maxmuud Guutaale, oo katirsan gudiga ganacsatada ayaa sheegay in la boobay dukaamo aad ufarabadan oo ay lahaayeen Soomaalida, “Xaaladu way kacsantahay ciidamadamana wey joogaan, dadkii ganacsatada ahaana qof walbo waxa uu u diyaar garoobay inuu difaacdo maalkiisa iyo naftiisa” ayuu yiri Guutaale oo lahadlayay warbaahinta.

Guutaale, ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada Kenyatiga ah ay baangado iyo midiyo ay kusoo weerarayaan Soomaalida.

Ganacsiga Islii oo albaabada laysugu dhuftay:

Xaalada iyo jawiga Xaafada Islii ayaa ah mid aad ukacsan una qasan, dhalinyaro farabadan oo burcad ah ayaa lasheegay ineey bilaabeen ineey weeraraan goobaha ganacsiga Soomaalida kuleedahay Islii, waxa lasheegayaa in dhor dukaan la jabsaday oo la bililiqeeystay.

Dhibaatada Soomaalida maahan mid ku kooban boobka oo kaliya ee waxaa jira dhac, dilal, iyo kufsi, waxaana dhibaatadan geeysanaya dhalinyaro Keenyaati ah qaasatan kuwa madowga ah kuwaasoo ka caraysan qaraxii shalay Islii lagula eegtay gaari, laakiin waxaa jirta in burcad isa soo nahaysatay oo ka faa’iideeysanaya qalalaasaha ay wadaan boobka iyo dhibaatada.

Xaalada magaalada Nairobi qaasatan Islii ayaa ah mid ciir ciireeysa waxaana laga cabsi qabaa in dadka ay madaxa islagalaan hadaysan doowlada iyo hay’adaha amaanka qaadin talaabo lagu qaboojinayo xiisada hada taagan.

Shalay ayay ahayd markii qarax lala eegtay mid kamid ah gawaarida ay Kenyaatiga uyaqaanaan Matatu ama buska, qaraxaas ayaa waxaa ku nafwaayay in kabadan 5 ruux halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmee, majirto ilaa iyo hada cid sheegatay masuuliyada qaraxaas waloow dhowr mar ay Al-shabaab sheegteen weeraro kadhacay gudaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here