Xiisad Dagaal oo laga Dareemayo Buuraha Gal-gala ee Gobolka Bari

Wararka aan ka heleyno dhulka Buuraleyda ee Gal-gala ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, taasoo u dhexeysa ciidama amaanka Puntland iyo xoogaga Alshabaab ee buurahaasi ku dhuumaaleysanaya.

Wararka ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, iyadoo dagaalkaasi uu bilowday marki ciidamada Puntland ay gudaha u galeen dhulka buuraleyda.

Xaalada Buuraha Gal-gala ee Gobolka Bari ayaa kacsan, waxaana la dareemayaa gurmadyada ciidamada Puntland ee kaga imaanaya dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wasiirka arimaha gudaha Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ciidamo badan ay u direen dhulka buuraleyda ah, halkaasoo ay ka buuxaan dagaalyahanada alshabaab ee ku kacsan maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.

Alshabaab ayaa balan qaaday in ay gali doonaan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, iyagoo dhowr jeer dagaal kula galay ciidamada amaanka duleedka magaalada Boosaaso.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here