Xiisad colaadeed oo ka taagan degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Wararka ka imanaya degmada Hobyo ee gobbolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad colaadeeday halkaas ka jirto iyadoo uu jiro khilaaf   u dhaxeya maamulka Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb oo ah gacan ku haynta dekeda Hobyo.

Iska horimaad hubeysan ayaa  waxaa uu ku dhex maray degmada Hoboyo  Ciidamada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb iyadoo aan la soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladu ay wali kacsantahay Ciidamaduna ay isku hor fadhiyaan meelihii uu shalay dagaalka ka dhacay, isagoo ka dogay dagaal sokeeye oo markale dhexmara beelaha isla dhashay ee Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxa uu sheegay in magaalada Hobyo ay tahay magaalo labo u qeybsan oo aysan ahayn magaalo ay Galmudug kaligeed maamusho.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ayaa isagana waxa uu sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Hobyo uu ahaa mid ay ku qaadeen burcad badeed halkaa ku sugneyd.

Waxana uu intaa ku daray inuusan garanayn ujeedada loo soo weeraray waxana uu ku adkeystey in magaalada Hobyo ay hoos timaado maamulkiisa waxana uu ka digey in colaad halkaa laga abuuro.

 

2 COMMENTS

  1. waan la yaabay reer galmudug markii ay dagaal ooge u doorteen madaxwene.

    waxaan kula talin lahaa reer gal mudug in ay iska qabtaan dambiilahaan dagaal oogaha ah ee cabdi qaybdiid waa haddii aad wanaag dooneysaan inta ay goori goor tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here