Xidigii diirada u saarnaa Arsenal G. Higuain oo heshiis shaqsi ah la gaaray Juventus

Gonzalo HiguainIsbuucaan oo dhan waxaa soo baxayay warar xoogan oo sheegayay in weeraryahanka kooxda Napoli Gonzalo Higuain uu ku biirayo kooxda Arsenal oo si ba’an u baadi goobeysa weeraryahan, balse sida muuqata hada sheekadaas waa isku dhamaatay, maadaama xidigan uu heshiis shaqsi ah oo 4 ah la gaaray kooxda Horyaalka talyaaniga ee Juventus.

Arsene wenger, ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu lasoo wareegayo xidiga reer Argentine, kaasoo xagaagii hore taariikh gooni ah ka dhigay Sera A, kadib markii uu 35 kulan dhaliyay 36 Gool.

Warar xalay gelinkii dambe soo baxay ayaa sheegaya, in Higuain uu heshiis shaqsi ah la gaaray Juventus, taasoo dhigeeda Napoli miiska u saartay lacag dhan £78million.

Wariyaha ciyaaraha Sky Italia Fabrizio Romano, ayaa Twitterkiisa kusoo daabacay in Juventus ay Napoli miisa u saartay £78million, si ay uga qaadato Higuain.

Arsenal ayaa dooneysay in heshiiska Higuain ay qeyb uga dhigto weeraryahankeeda fashilmay ee Olivier Groud, .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here