Xidigaha Zambia oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalkooda hooyo

Ciyaartooyda xulka qaranka dalka Zambiya oo xalay ku guuleystay koobka Qaramada Africa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada caasimada ah ee Lusaka.

Xidgaha xulkan oo lagu naaneeso Chipolopolo, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sugayey kuamanaan kun oo taageerayaal ah kuwaasi iyaga oo labisan dhar ka sameysan calanka dalka Zambia gacanta u lulayey ciyaartooyda.

Wariyaha BBC-da ee Zambia ayaa soo sheegay qofki ugu horeeyey ee diyaarada kasoo dagay uu ahaa kabtanka xulka qaranka Christopher Katongo oo kor u hayey koobka dahabiga ah ee Africa Cup of Nations.

Xulka Zambia ayaa xalay rigoorayaal 8-7 ah kaga badiyey kooxda qaranka Ivory Coast oo ay isugu soo hareen finalka tartanka oo xalay lagu qabtay dalka Gabon.

Guusha oo aheyd  tii ugu horeysay oo ay soo hooyaan zambia waxay aheyd mid ahmiyad gaar ah u alheyd, maxaa yeelay 19 sano ka hor waxay waayeen 18 ciyaryahan oo ku dhintay bur burka diyaarad ka qaaday isla wadanki ay xalay ku qaadeen koobka ee Gabon.

Dadki soo dhaweeyey ciyaartooyda waxaa ka mid ah madaxweynayaashi hore ee dalkaasi Rupiah Banda iyo Kenneth Kaunda, oo labaduba ka mid ah dadka sida weyn u jecel kubada cakta.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.