Xidigaha ka ciyaara Horyaalka Britain oo xalay wacdaro dhigay Sawiro

Xidigaha ka xamaasha horyaalka loogu jecelyahay dunida ee Premier League, ayaa xalay wacdaro ka dhigay ciyaarihii ay ciyaareen Xulalkooda, kuwaasoo isugu jiray Ciyaaro saaxiibtinimo iyo is reereebka koobka dunida ee 2014.

Xidigaha xalay wacdarada xulalkooda ka dhigay waxaa kamid ah, Xidiga Naadiga Chelsea (Edin Hazard),  xidiga Manchester City (Edin Dzeko),Xidiga Tottenham (Gylfi Sigurdsson) xidiga Arsenal (Olivier Giroud) iyo xidigaha naadiga Manchester United (Robin Van Persie iyo Javier Hernandez ).

Dhanka kale xulka faransiiska ayaa xalay guul weyn ka gaaray xulka Georgia, iyagoona kaga adkaaday 3/1, waxaana goolka koowaad u daah furay xidiga Arsenal Olivier Gruod.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here