Xiddiga Keita Baldé Diao oo looga gacan haatinayo Horyaalka Ingiriiska

Xiddiga Da’da yar ee Kooxda SS Lazio ee ciyaarta Horyaalka Dalka Talyaaniga ee la yiraahdo Keita Baldé Diao ayaa looga gacan haatinayaa Horyaalka Dalka Ingiriiska.

Laacibkii hore ee Barcelona ayaa waxa hadda dhexda uxiranaya sidii Horyaalka Ingiriiska ku keeni lahaayeen Naadiyada Arsenal iyo Liverpool oo mid kasta si gooni ah dalab ugu dirsaday.

Lazio

Keita Baldé Diao oo 19 jir ah ayaa waxa uu qudhiisa jecleysanayaa in SS Lazio ka tago muddo seddex sano uu la joogay,waxaana sanadkii 2011-kii Barcelona kaga biiray Lazio.

Tababaraha Liverpool iyo Macalinka Kooxda Arsenal ayaa labaduba waxay sheegeen in Keita Baldé Diao ay wakiilo udirsadeen helida laacibkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here