Xerada tababarka Barcelona oo ay maanta murugo hareysay

Ciyaartoyda kooxda Barcelona ayaa saakay markii ay ku tababaranayeen garoonka Camp New, waxay ahaayeen kuwo wajiyadooda dhamaan ay ka muuqatay murug, taasoo laxiriirta guul daradii weyneyd ee habeen hore kasoo gaartay Naadiga Realmadrid, qaasatan lugta labaad Copa delrey.

Realmadrid, ayaa 3/1 garoonkeeda New Camp uga adkaatay Barcelona, waxaana xusid mudan in Real ay dhanwalbo ka fiicneyd kooxda Barcelona, marka la fiiriyo dhanka weerarka difaaca.

Guuldaradaan ayaa jug weyn ku ah ciyaartoyda Barcelona maxaa yeelay waxaa lagu garaacay gurigooda iyo waliba taageerayaashooda hortooda, sidaa darted murugta waxay ahayd saakay mid hareeysay xerada tababark Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here