Xeerka Saxaafada SOOMAALIYA ma mashruuc ayuu noqday?!!

Wariye Maxamedkaafi Cali Muumin
Wariye Maxamedkaafi Cali Muumin

Habeenkii xaley waxaan dhageystay DOOD-WADAAG ka baxay Idaacadda maxaliga DALSAN ee magaalada Muqdisho,waxaa looga hadlay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo Khamiistii hor la hordhigay golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa doodda ka qeybgalay xoghayahaha garab ka mid ah NUSUJ Maxamed Pakistan

Abuukar Al-Badri

Abuubakar Xasharra

Waxaa dhex dhexaadinaayay Cabduqaadir Dul-Yer

Dodda waxaa iiga baxay qoddobo muhiim aan u arkay kuwaasoo kala ah.

1-   Xeerka saxaafadda Soomaaliya ee la sheegay in la hor geeyay golaha wasiiradda in saxaafadda madaxa bannaan ee ka howlgasha Muqdisho aan loo gudbin loona sheegin in xeerkan cusub la soo saaray loona gudbiyay golaha wasiiradda.

2-   Intii doodda socotay ka qeybgalayaasha iyo daadihiyaha barnaamijka waxay qirteen in xeerka la gudbiyay isla goobta loogu diray Email, iyagoona ku andacooday in aan laga qeybgalin xeerka.

3- Daadihiyaha barnaamijka Dulyer wuxuu goobta ka sheegay in uu la hadlay qaar ka mid ah guddiga wax ka diyaariyay xeerka, isagoona sheegay in ay u sheegeen in aaney waxbo kala socon barnaamijkaas.

4-      Pakistan wuxuu sheegay in qaar ka mid ah qoddobo ku jiray xeerka oo halis ku ahaa saxaafadda madaxa banaan in wax badan ay ka badaleen uuna doonayo in looga mahadceliyo dedaalkaas.

5-      Xog-hayaha NUSUJ waxaa la weydiiyay sababta aaney saxaafadda madaxa banaan la tusi waayay xeerka saxaafadda ka hor inta aan la hordhigin golaha wasiiradda, arrintaas jawaab cad ah kama bixin balse wuxuu qiray in labo maalin ugu yaraan ay heesteen waqtigana uu u saamixi waayay arrintaas.

6-      Doodda waxay u muuqatay mid hal dhinac u socotay, oo waxaa daadihiyaha iyo ka qeybgalayaasha weerar ku ahaayeen Pakistan iyo garabka Nusuj maadama ay lahaayeen nagama qeybgalin xeerkan raalina kama nihin.

Haddaba haddii la i weydiin lahaa maxaa kaaga baxay doodda waxaan ku jawaabi lahaa dhowrkan qoddob:-

1-Xeerka saxaafadda in uu noqday mashruuc ay dad gaar ah wataan

2- Xeerka saxaafadda oo la rabay in lagu maamulo saxaafadda iyo saxifiyiinta Soomaalida in uu noqday mid aan dhaafsiisneen Muqdisho oo malaha aad moodo in uu la heer yahay Dowladda Soomaaliya oo ku kooban Muqdisho.

3- Dadka mashruucan wata ma ahan dad khibrad iyo aqoon u leh saxaafadda.

5-Xeerkan in la rabo in lagu caburiyo saxaafadda madaxa banaan.

TALLO

*Waa muhiim in la sameeyo sharci saxaafadda Soomaalida lagu dhaqo oo sharci la’aan waxbo ma socon karaan, balse waxaan ku tallin lahaa haddii la rabo in la sameeyo sharci in laga qeybgaliyo dhammaan saxaafadda Soomaalida meel kasta oo ay dalka iyo didbadiisa ka joogaan haddii ay suuragal noqon weyso in lala wadaago loona sheego in la sameeenaayo xeer laguna daro tallooyinkooda sharciga la soo saaraayo.

*In loo dhiibo xeerka dad khibarad u leh saxaafadda iyo aqoonta dhinac kasta.

*In aanlaga qeybgalin xittaa haddii ay tallo timaado dad ajnebi ah, haddii kale arrin oo dhib leh ayey dhalin doontaa.

*In lala wadaago bulshadda la socota saxaafadda Soomaalida, culimada iyo bahda waxbarashadda oo iyagana muhiim u ah xeerka saxaafadda haddii la rabo in la sameeyo wax quman.

*In guddiga sameenaya sharciga laga saaro dowladda haddii laga maarmaami waayo lagu daro xubin ama labo xubin oo kaliye, maadama sharcigan uu gaar u yahay saxaafadda badaxa bannaan.

Mahadsanidiin

W/Q: Maxamedkaafi Cali Muumin

Mohamedkafi01@gamil.com

Wariye Madax-banaan (Freelance Journalist)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here