Xeebta Liido oo noqotay barta kulanka dhalinyara Muqdisho (Sawiro)

Xeebta Liido ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii hagaageysa iyadoo ay aad ugu soo badanayaan dadka soo booqda maalmaha Jimcooyinak iyo Khamiista.

Sida uu ku waramayo wariyaheena Sami Adow oo shalay booqday xeebta, waxaa saacad walba soo booqaneysa oo usoo damaashaad tageysa boqolaal ruux oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo isugu jira hablo iyo wiilal.

Farqi ayaa u dhaxeeya bisha iyo bishi ka horeysay is bar bar dhiga xaalada xeebta Liido waayo Jimcihi shalay ahaa dad aan caadi aheyn ayaa ku dabaalanayey qaarna kubado ayey ku ciyaaren kuwa kalana way sheekeysanayeen.

Sababta ugu weyn ayaa ah warbaahinta oo barnaamijyo ka diyaarisay, qurba jooga oo u hamuun qaba xeebaheena macaan, dhalinyarada oo ku kulma si ay u sheekeystaan iyo nabadgalyada ka jirto magaalada.

Mid ka mid ah dhalinayarada usoo dalxiiska tagtay oo magaciisa ku sheegay Guuleed ayaa u sheegay Midnimo.com in Liido ay haatan noqotay barta kulanka dhalinyarada magaalada Muqdisho.

Hadabo aqristayaal nala daawada muuqaalka xeebta Liido ee Jicmihi shalay.

By: Sami Adow