Xeebta Liido iyo Damaashaadka Galabta Jimcaha

Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ayaa noqotay meel loo soo dalxiiso, waxaana maalmaha Khamiista iyo Jimcaha  yimaada dad aad u badan, kuwaasoo halkaas ku damaashaada.

Wariye ka tirsan Shabadda Midnimo ayaa Galabta warbixintan iyo sawirka ka soo diray xeebta Liido, wuxuuna soo sheegayaa in uu ku soo arkay dad aad u badan, kuwaasoo ka nasanaya howlaha tododbaadka.

Wariyaha ayaa sheegaya in xeebta ilaa habeenkii in dadku ay ku gaaraan malmaha Khamiista iyo Jimcaha, wuxuuna sheegayaa in uu halkaas ku soo arkay qoysas wata carruurtooda oo ku farxan hawada xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dad badan ayaa aamin in xeebta Liido ay mardhow loo soo dalxiisi doono marka loo eego sida jawiga uu hadda yahay.

Waxaa naga xasuus ah, in akhirstayaasheen saharrafta leh aan goordhow u soo gudbin doono warbixino kale iyo sawirro muuinaya sida uu ahaa galabta iyo caawa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho haddii alle idomo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here