Xeebta Liido iyo baashaalka dhalinyarada Jimcaha oo aan sheeko iyo sawiro idinkaga heyno

Tan iyo marki ay waqooyiga Muqdisho la wareegtay dowlada waxaa soo badanayey dadka Jimcooyinka baashaalka iyo qubeyska u aado xeebta Liido ee degmada C/casiis.

Jimca kasta waxaa isugu taga dhalinyaro fara badan oo isugu jira wiilal iyo hablo kuwaasi oo ku dabaasho biyaha bada, qaarkood ku ciyaaro kubada cakta ama tan gacanta halka qaarna ay u tagaan hawo baxsi.

Hadaba maanta oo Jimca aheyd waxaa Xeebta Liido Tartan ciyaareed ku qabtay ururka Dhalinyarada ee SYL II oo ah mid ka mid ah ururada dhalinyarada ee ugu weyn dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Tartan ciyaareedka oo kala duwanaa ayaa isugu jiray, Orodka Bootinta, Dheri jebis, Xarig Jiid, Ukun iyo Qaando, Jawaan ku bood iyo Bootinta Caadiga ah, waxaana dhalinyarada ka qeyb qaadaneysa ahaayeen kuwo aad ugu tartamayay sidii midba midka kale uu guusha ugu qaadi lahaa.

Ugu horeyn waxaa lagu bilaabay ciyaarta xarig jiidka ah oo ilaa afar kooxood ay ku tarmayayeen, iyadoo uu ahaa mid aad u xiiso badnaa oo kooxaha ay si awood ah ugu loolamayeen xariga jiidkii, kooxdii dhankeeda jiidan laheyd,, waxaana qaaday Tartanka xariga jiidka mid ka mid ah afartii kooxood ee dhalinyarada aheyd.

Sidoo kale waxaa la ciyaaray orodka bootinta, oo ay dhalinyaro ku baramayeen, waxaana tartankaas ahaa mid aad u xiiso badnaa oo dhalinyaro aad u da’yaraa ay muujiyeen karti, kadib markii ay bootinta caadiga ah ay ku guuleysteen, iyo mida orodka Bootinta.

Waxaa kaloo xiiso gaar lahaa ciyaarta Dher-Jebis oo gabdho ay ku tarmayeen dheriyo meel la suray oo ay ku jirayeen hadiyado qaali ah, halka kuwa kale ay faaruq ahaayeen, waxaana uu ahaa mid nasiibka lagu kala eegayay cidii dheriga jebisa, iyadoo ay Gabdhaha indhaha ka xirnaayeen lagana doonayay inay haleelaan dheriga si ay u jebiyaan.

Labo ka mid ah gabdhaha ka qeyb qaadanayay dheri jebinta ayaa u soo baxay hadiyado qaali ah ku guuleystay, markii ay jebiyeen, halka gabdhaha kalena ay haleeli waayeen, bacdamaa aanay dheriga waxba ku jerin jebintiisa aanay hadiyado ku helin, balse nasiibka ka hiiliyay.

Sidoo kale Tartanka Jawaan ku boodka ayaa ahaa mid xiiso gaar lahaa, waxaana ku tartamayay dhalinyaro badan, waxaana xeerka ahaa in jawaan ku boodka laga soo bilaabayo dilin ama meel loo calaamadeeyay, kuna soo ordaan iyagoo jawaanka lugaha ugu jiro, balse qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa u suura geli weysay, oo dhulka ku dhaceen, halka qaarna ay u saamaxday inay guuleystaan oo aan marnaba dhicin sidii ay u ordayeen ku tagay calaamada kale ee looga xariiqay barxada xeebta Liido.

C/llaahi Axmed Rooble oo ka mid ah Ururka SYL II oo gaba gabadii tartankan ka hadlay ayaa sheegay in ciyaarayahan ay qeyb ka yihiin tartamo ay qabtaan bil walba, isagoo sheegay in tartanka ay ku qabteen Xeebta Liido ay ka duwan yihiin kuwii hore, isla markaana tartankan uu ahaa mid guud oo dhamaan Ciyaaraha fudud ee kala duwan.

Waxaa uu sheegay in ururka SYL II uu hada gacanta ku hayo 500-dhalinyaro oo ay ay wax baraan, isagoo xusay inay degmooyinka ka soo xuleen dhalinyarada, si loo baro xirfado kala duwan, waxaana uu intaa ku daray in Dhalinyarada oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay baraan Xirfadaha Makaanikada, Dabka iyo Matoorka, Computer-ka, Xogheynimada, Nursing ama Caafimaadka iyo Saxaafada.

Mr Rooble ayaa sidoo kale sheegay dhalinyarada in maalmaha Arbacada iyo Khamiista ay u samiiyeen Wacyi gelin ku aadan wadaniyada, dhaqanka, Tarbiyada Islaamka, Horumarinta Bulshada, isagoo xusay in xirfado ka dheeri ah ay sameeyaan dhalinyarada, sida mutadawacnimada ay ugu adeegaan buslahda, gaar ahaan gar gaarka xeryaha barakacayaasha, wacyi gelinta caafimaadka.

Ururka SYL II ayaa ah Urur Dhalinyaro wax qabadkiisa uu ballaartay, iyadoo dhalinyaro badan ay u sameeyeen wacyi gelin, isla markaana ay is bedel dhinaca nolosha geliyeen, si ay wax u qabsadaan, ugunna horseedaan bulshada Horumar iyo isku filnaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.