Waxaa maalinta bari ah la rajeynaa in shaqadoodii dib u bilaabaya xawaaladaha Somaliyeed ee wadanka Maraykanka.
Inta badan xawaaladaha ayaa xirmay kaddib markii bangiga lacagaha u xawili jiray uu xiray xisaabaadkoodii lixdii bishan February.
Xiritaanka xawilaadaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha dalka, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.
Cabdicasiis Sugule, waa gudoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawaaladaha Somaalida oo la yiraahdo SAMSA.
Waxa uu u warramay weriyah BBC-da:
Source: BBC