Xavi Hernandes Oo Loo Doortay Laacibka Ugu Wanaagsan Taariikhda Spain

Kubad sameeyaha qadka dhexe umaamula Brcelona iyo xulka Spain Xavi Hernandes ayaa loo doortay inuu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Taariikhda ciyaartoyda Spain kadib markii ay maalmo kahor xulkiisa ku guuleeysteen tartanka Euro 2012, Xavi ayaa waxa uu xulkiisa iyo Naadiga Barcelona kula guuleeystay 23 koob waana ciyaaryahanka ugu Koobabka badan Ciyaartoyda Spain.

Xavi ayaa 4-tii sanadood ee ugu danbeeysay waxa uu naadiga Barcelona kula guuleeystay koobab farabadan qaasatan markii tababre Guardiola qabtay xilka tababaranimo ee Barcelona, waxa uuna kula guuleeystay 14 koob 19 koob oo ay utartameen, sidookale waxa uu xulkiisa kula guuleeystay 3-koob oo waaween kuwaasoo kala ah tartankii Euro 2008, koobkii dunida 2010 lagu qabtay South Africa iyo Euro 2012.

Xavi ayaa aad uga dhexmuuqday xulkiisaSpaintartankii ay ku guuleeysteen ee Euro 2012 waxa uuna baasay laba kamid ah gioolsha 4-tii Goo lee ay kaga adkaadeen XulkaItaly.