Xasan Yacquub “Waxaan Wadnaa Dadaalo Lagu Daminayo Dagaal beeleedyo ka Jira G/gaduud)

Gudoomiyaha Al shabaab ee gobolka Gal-gaduud Shiikh Xasan Yacquub Cali oo lahadlayey idaacada afkooda ku hadasha ayaa sheegay inay wadaan qorshe lagu kala qaadayo beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano hoostaga G/gaduud.

Shiikh Xasan Yacquub waxa uu tibaaxay inay ka war heleen dagaal xoogan oo shalay tuulooyin hoostaga Xiindheere ku dhexmaray labo beelood saakana ay ku baxeen al shabaab si loo damiyo xiisadaasi.

“Wilaayada islaamiga Gal-gaduud waxay udhaqaaqday joojinta dagaalka dhiiga muslimiinta dhexdooda daadanaya islamarkaana deegaanada baal dheere iyo miiraanyo waxaana rajeynaynaa inan ku guuleysano ayuu yiri Sh.Xasan”.

Gudoomiyaha Al shabaab ugu magacaaban gobolka G/gaduud waxa uu xusay inay ka codsanayaan beelaha dagaalamaya hogaankooda dhaqanka inay dhex galaan dagaalka maleeshiyaadka hubka isku watada.

“Odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee dagaalameysa waxaan ka codsaneynaa inay gacmaha qabtaan maleeshiyaadka rasaasta rideysa xalna ka gaaraan dagaalka socda ayuu yiri shiikh xasan yacquub”.

Hadalkaan kasoo baxay  al shabaab ayaa kusoo beegmeysa xilli wali ay iska soo daba dhacayaan baaqyada loo jeedinayo beelihii ku dagaalamay deegaanka Baal dheer ee gobolka G/gaduud loogu baaqay inay joojiyaan dagaalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here