Xasan: Tanaasul kama geli doono hal mitir oo kamid ah Biyaheena

madaxweyne Xasan shiikhMadaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay dacwada ee badda ee u dhaxeysa dalalka Somaliya iyo sidoo kale Kenya.

Madaxweynah Somaliya ayaa sheegay  in Somaaliya aysan aqbali doonin in hal taako oo ka mid ah badda Somaliya ay qaadato dowladda Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Somaliya ay leedahay badda lagu murmaayo.

“Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaa si cad u balan qaadeynaa inaan tanaasul ka geli doonin hal mitir oo ka mid ah biyaha Soomaaliya, marna ma ogolin, mana ku hadlin, mana isku soo qaadin, hal mtiri oo biyaha Soomaaliya tanasul laga sameeyo”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha.

“Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan waxaa rabaa inaan uga mahad celiyo dadaalka iyo isku duubnaanta Midnimada ay ku wajaheen arrintan oo ay muujiyeen inay tani tahay wax aan lagu kala qeybsan karin, aad iyo aad ayay arrintaas yididiilo ugu tahay, wax kasta oo xuquuq aan leenahay wey soo noqoneysaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here