Xasan: ““Soomaaliya waxaa lugu leeyahay lacago 5 bilyan oo dollar ka badan”+Dhagayso

xasan shiikhMadaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka dhawaajiyay ineey adkaan doonto in Soomaaliya ay Kaalmo dhaqaale ka hesho Caalamka, maadaama buu yiri lagu leeyahay deymo aad u fara badan.

Madaxweynaha wuxuu sheegay lacagta lugu leeyahay Soomaaliya inay ka badan-tahay 5 bilyan oo dollarka Marekanka ah,taaso sabab u noqonaysa dalka inan lacago lasiin oo u waayo maalgalin.

“Soomaaliya waxaa lugu leeyahay lacago 5 bilyan oo dollar ka badan,waxaa adag in lacago kale ama maalgalin uu dalka helo,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu caddeeyay lacagaha inay kordhayaan haddii aan la bixin,isagoo inta ku darey in deymaha lugu gudi-karo kaliya marka la hagaajiyo hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Halkan ka dhagayso hadalka madaxweynaha:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here