Xasan Shiikh: “Manoqoneyno doowlad rasmi ah ilaa iyo inta…..”

Wareysi dheer oo uu siiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Jariirada lagu magacaabo “Alhayat” ayaa waxa uu si kulul u canbaareeyay hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, waxaana uu ku eedeeyay ineeysan la shaqaynin maamulada maxaliga ah ee kajira Soomaaliya inta aysan fulin mashaariicda ay wadanka u yimaadaan.

Madaxweynaha ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in Xukuumadiisa loola tacaamulo ineey tahay mid sharci ah mudana in loo aqoonsado doowlad rasmi ahoo kajirta bariga qaarada Afrika.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in hadii aysan dhicin in doowladiisa loola macaamilin si doowlad rasmi ah, aysan noqon doonin doowlad jirta oo rasmi ah, waxaana uu sidokale tilmaamay madaxweynaha in beesha Caalamka deeqaha lacageed ee lagu taageero Soomaaliya aysan siinin 17% inta aan loo soo dirin Xukuumada Soomaliya, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha Sheegay in lacagahaas inta aysan soo gaarin gacantooda ay gacanta ugasho shirkado goosta 4%.

Madaxweynaha, ayaa waxa uu qiray in shirkadaha Caalamka ee wadanka mashaariicda ka fuliya aysan kala tashan saraakiisha ku sugan gudaha dalka, waxa uu yiri “Xukuumadda kama war hayso waxyaabaha ay sameeyaan hay’adahaasi, waana kala hadalnay arimahaas qaarkood wayna naga ogolaadeen in mowqifkooda ay wax kabadalaan, balse waxan wali sugeeynaa natiijada” sidaasina waxaa yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Wareeysigaan ayaa waxa uu jariirada “Alhayat” madaxweynaha Soomaaliya ay layeelatay siiyay intii uu ku sugnaa dalka Kenya halkaas oo uu kulamo kula qaatay madaxda wadankaas.

Sidoo kale madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka baxday marxaladii KMG ayna u gudubtay doowlad rasmi ah oo la tacaamusha doowladaha Caalamka, waxa uuna timaamay in Soomaaliya sanadka soo socda ee 2013 ay u noqon doonto sanadkii gar-gaarka lagana saari doono dhibaatada haatan ay ku jirto, madaxweynaha ayaa shaaciyay in Mashaariic ay ka bilaabi doonaan gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeeyn waxaa wax laga weydiiyay xiriirka doowladiisa ay la leedahay dalka Kenya iyo sidokale dalka itoobiya, ayaa waxa uu sheegay in xiriirada labadaas wadan ay la leeyihiin uu yahay mid aad uwanaagsan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

2 COMMENTS

  1. asc.M/weyne Xassan Sh Maxamud.waa markii ugu hureysay ee aan ka maqalno Madiyaha.M/weyne umadiisa daacad ugu adeego oo amanada ku jirto.adoo mahadsan ma rabno cad quureed.M/weyne.. .

  2. Allah ma dadnimadaadi ku doodaysa in qof dad iyo dal tahay shakigelinaysaa sida reer nagu dulaysiyey adoonsiga dadban ee ku meelgaarka aan ogano in galbedku iyo gaal madow nagu hareersan nala rabin dadnimo iyo dawladnimo anu dhagax ku xirno calusha soo sarida khairbdkena u dhabar adegno kana kaaftono waxa kanisadaha no so arurisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here