Xasan Sheekh“Hooyada uurka leh waxa u roon ayaa u roon canuga uur ka ku jira”

Aqoon isweydaarsi looga hadlayey nidaamka Federaalka ah ee uu soo qaban qaabiyey Murashaxa Xasan Sheekh iyo Xisbiga PDP oo socday muddo halmaalmood ah ayaa lagu qabtay Xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka soo qayb galay aqoons isweydaasriga Wariyayaal ka socday Bahda Saxaafadda Soomaalida, Xubno ka tirsan Xisbiga Nabadda iyo Horumarka iyo dhalinyaro kale oo ka socotay Ururada Dhalinyarradda dalka ka jira.

Ujeedda Aqoon isweydaasrsigaan loo qabtay ayaa ah in umadda Soomaaliyeed la baro nidaamka Federaalka ah maadaama Dowladda Soomaaliya ay tahay Dowladda Federaal ah .

Gudoomiyaha Xisbiga PDP Ahna Murashaxa u taagan qabashada xilka Madaxtinimadda Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka aqoon isweydaarsiga ayaa ku dheeraaday ka hadlida nidaamka Federaalka ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed fursad loo siiyo in ay doortaan waxa u roon isagoona tilmaamay in waxa umadda u wanaagan dalkana u wanaagsanaan doonaan.

“hooyada uurka leh waxa u roon ayaa u roon canuga uurka ku jira marka shacabka Soomaaliyeed waxa u roon ayaa u roon dalka” ayuu yiri Murashax Prof Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariyayaashii iyo dadkii kale ee ka soo qayb galay aqoon isweydaarsiga ayaa aad uga mahadceliyey Murashaxa iyo Xisbiga sida wanaagsan ee ay ugu faa’iideeynayaan umadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here