Xasan Sheekh oo si adag u dhaliilay ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo Dhageyso

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliilay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM kuna sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dowladdiisu dhaliil san tahay habdhanka ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa goobta ka sheegay in uusan guud ahaan dhaliileynin ciidanka Kenya oo qayb ah kuwa AMISOM, balse wuxuu yiri qaar ka mid ah diidday inaysan sugaynin ammaanka xubnowasiirro iyo xildhibaanno ah oo ku sugan Kismaayo.

“Ma jirto wax cabasha ah oo aanu ka qabno Kenya, laakin qayb ka mid ah ciidamada xubinta ka ah AMISOM ayaa si khaldan u dhaqmay waxaanay hareer-mareen hawshii loo igmaday, waxay u dhaqmeen si xun, waxayna ka baxeen xadkii waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamada Kenya ayaa ka qayb-qaatay sannadkii hore dagaalladii xoogagga Al-shabaab looga saaray magaalada Kismaayo, iyagoo isla sannadkaas ku biiray howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale, marka laga sootago caradiisa wuxuu madaxweynuhu ammaanay ururka IGAD oo ay ku jirto Kenya oo uu sheegay inay doonayaan inay kala shaqeeyaan dowladdiisa horumarinta maamullada gobollada dalka.

“IGAD waxay si cad u muujisay doorkeeda ku aaddan taageerada dowladda Soomaaliya, waana mid aan aad ugu qanacsannahay kaalinta IGAD,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan muran ku saabsan maamul ay kaga dhawaaqeen degmadaas dhowr mas’uul oo sheeganaya inay yihiin madaxweynaha Jubaland, taasoo sii kordhisay walaacii horay uga jirtay degmadaas.

“Kooxaha Kismaayo ku sugan ee qaatay go’aanka dhankooda keliya ah waa Soomaali, aragti ayay leeyihiin, innagu waan xushmeynaynaa aragtidoodaas marka aan aragno, laakiin arrintan aad muhiimka u ah waa in maanta ay Soomaaliya ka jirto dowlad federaal ah, taasoo ay leeyihiin Soomaalida oo dhan,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in kooxah Kismaayo in aysan awood u lahayn inay khalad tahay inay iyaga keligood dhistaan maamul ay gaar ay u leeyihiin, balse ay ahayd inay dowladda kala shaqeyso sida loo dhisayo maamulka.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay muhiimad weyn siinayso sugidd ammaanka, ayna qorsheynayaan inay Al-shabaab ka saaraan deegaannada kale ee ay dalka uga sugan yihiin.

Ciidamada Kenya ayaa door wayn ku lahaa Al-Shabaab in laga saaro magaalada Kismaayo, laakin waxaa hadda soo baxaysay khilaaf hor leh oo ka dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Dhageyso Qaabkii uu uga jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/madaxweynahkismaayo.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Very brave president well done finally we have a government who is keen to defend the country and look after the interest of all Somalis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here