Xasan Sheekh oo sannadkan lagu daray 100-ka madaxweyne ee ugu saameynta badan

Warbixin uu qoray Khiistii shaley, wargeyska Time Magazine ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayuu ku sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu daray liiska boqolka qof ee ugu saameynta badan caalamka ee sanadkan 2013-ka.

Wargeyska oo sannad kasta qiimeen ku sameeya dadka ugu saameenta badan adduunka ayuu madaxweynaha ka galay kaalinta 57-aad.

Sidoo kale, wuxuu noqday hoggaamiyaha shanaad ee ugu saameynta badan caalamka.

“Wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweynenimo ee bishii September 2012, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu baabi’inayaa siyaasaddii xumayd ee ku salaysnayd qabaa’ilka, waxaanu taa beddelkeeda sameynayaa dib-u-heshiisiin qaran iyo tallaabooyin lagula dagaallamayo musuqa” ayaa lagu yiri warbixin uu warysku daabacay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad rasmi ah oo ay Soomaaliya leedahay hoggaamiya, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Siyaad Barre.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here