Xasan Sheekh oo Muqdisho ku laabtay

BaladweyneMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. ayaa galabta dib ugu soo laabtay galabta magaalada Muqdisho, kaddib markii uu booqasho ku tagay Baladweyne iyo Jowhar.

Madaxweynaha oo ay la socdaan wafdi, wasiirro ah, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray Jowhar, wuxuu kulamo la qaatay madaxda gobalka iyo wax-garadka ku dhaqan Jowhar.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in uu kala hadlay dadka reer Jowhar siddii nidaamka fedaraalka looga hirgalin lahaa gobalka oo dhan.

Madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha iyo wax garadka in ay soo dhistaan guddiyo kuwaasoo u gogol xaara siddii loo soo dooran lahaa maamul loo dhan yahay oo gobalka ka arrimiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku celceliyay haddii dadka reer Jowhar iyo guud ahaan gobalka Shabeellaha Dhexe ay soo dooran maamul loo dhan yahay in dowladda ay u soo magacaabi doonto.

Dhinaca kale, Madaxweynaha  ayaa sheegay in loo baahan yahay in al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan gobolka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka laga doonayo inaysan ka jiifan dagaalka lagula jiro al-Shabaab inta ay ku sugan tahay tuulo kamid ah dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay dhamaatay awoodda Alshabaab, islamarkaana la joogo xilligii laga xoreyn lahaa guud ahaan dalka.

Wuxuu xusay in dowladdu ay waddo qorsho shacabka ay ku soo dooran doonaan maamullada degmooyinka iyo gobollada, isagoo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa intii ay joogeen Jowhar waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ahaan magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here