Md: Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimaha Kismaayo & qadiyadda Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlaayay furitaanka Iskuul Turkiga uu ka horgaliyay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay arrimaha Kismaayo iyo qadiyada Somaliland.

Madaxweynaha ayaa mar uuu ka hadlaayay xaaladda Kismaayo iyo wax yaabaha ka aloosan wuxuu sheegay in ay qayb ka yihiin waxyaabihii ay muddada dheer ka digaysay dowladdiisa.

“Waxyaabaha ka dhacaya Jubbooyinka waa arrimihii ay dowladdu ka digayso muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana caddaatay in shirarkii Jubbooyinka ka socday iyo wixii kasoo baxayba aysan ahayn wax loo dhamaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in dadka ku nool Jubbooyinka ay yihin dad nabadeed; sidaasi darteedna aan loo baahnayn in colaad la geliyo, isagoo sheegay inay wali jirto fursad xal looga gaari karo arrimaha ka taagan Jubbooyinka.

Wuxuu kaloo madaxweynaha ugu baaqay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in ay mar kasta heegan u noqdaan siddii ay u dhexgali lahaayeen xiisad kasta oo ka soo cusboonaata Jubbooyinka gaar ahaan Kismaayo

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Somaliland, isagoo xusay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, loona baahan yahay in shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Soomaaliya ay dib u liqaan hankooda.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ugu baaqey shacabka inay adkeeyaan midnimada dalka, dowladdana gacan laga siiyo sidii dalka loo samata bixin lahaa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inaysan jirin wax colaad ah oo dadka ku nool Koonfurta ay u qabaan dadka waqooyiga Soomaaliya ku nool, sidoo kalena loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii midnimada loo adkeyn lahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com