Xasan Sheekh Maxmuud : “Dib Ayaa loo Nooleynayaa Gudiyadii Wadajirka iyo Iskaashiga Laba dal”

 Xasan Sheekh Madaxweynaha JFS ayaa shaaca ka qaaday in dib loo howlgalin doono Gudiyadii wadajirka ee ka dhexeeyay Doladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Xasab ayaa tilmaamay in gudigan la dhisay 2005ta, waxaana magaciisa la yiraahdaa Gudiga wadajirka iyo iskaashiga .

Xasan Sheekh ayaa sheegay in gudigan dib boorka looga jafi dono, wuxuuna sheegay inay isku afgarteen masuuliyiinta dalka Kenya.

Gudigan labada dal waxaa kala hogaaminaya wasiirada arimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo ka shaqeyn doono arimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa hoosya ka xariiqay in gudigan uu noqon doono Buundada u dhexeysa Dowladaha Soomaaliya iyo kenya , waxayna arintan dan u tahay labada dowladood.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here