Xasan Sh & Jawaari oo la kulmay dhinacyada isku haya Baydhabo

Xasan Sh & Jawaari oo la kulmay dhinacyada isku haya Baydhabo
Xasan Sh & Jawaari oo la kulmay dhinacyada isku haya Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii 2-aad ku sugan wafdi heer sare oo ay ku jiraan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wafdiga ayaa la sheegay in maanta la kulmeen siyaasiyiin iyo odayaal ka kala socda maamullada dhawaan magaaladaas looga dhawaaqay.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay ismari waagga siyaasadeed ee magaalada ka jira iyo sidii labada dhinac ee labada maamul kala dhistay la isugu soo dhaweyn lahaa.

Ma jirto ilaa hadda warar faahfaahsan oo laga helay shirka oo la sheegayo in uu wali socda, iyadoo la filayo in saxaafadda war laga siiyo marka uu soo gabagaboobo.

Dhanka kale dibax-baxayaal careysan ayaa la sheegayaa in ay jirdileen wariye Cali Ilyaas Cabdullaahi oo ka tirsan telafashanka Horn Cable TV, iyadoo wariyaha laga soo xigtay in uu la kulmay hanjabaado dhinacyada magaalada isku hayo ay u soo jeediyeen.

Baydhabo ayaa lagaga dhawaaqay maamul goboleedyo is-diidan oo middina uu lix gobol yahay, kan kalana saddex gobol loo sameeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here