Xasan Ruuxani oo ku guuleystay Doorashada madaxtinimada iiraan

Telefeshinka ku hadla afka doowlada Iiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in murashaxa Xasan Ruuxaani uu si rasmi ah ugu guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaas, kadib markii uu aruursaday in kabadan 50% dhamaan codadkii la tiriyay.

Wasaarada arimaha dibada Iiraan ayaa sheegtay in dadka ka qayb qaatay doorashada ee codkooda dhiibtay ay gaarayaan ilaa 72.7%.

Hoogaamiyaha dhinaca diinta ugu sareeya dalka Aayatulahi Cali Khamanii ayaa la sugayaa inuu ku dhawaaqo guusha Xasan Ruuxaani 3da Bisha Augosto ee soo socota.

Maxamed Baaqir oo ahaa murashaxa tartanka xoogan kulajiray Xasan Ruuxaani ayaa galay kaalinta labaad, kadib markii uu helay codad aad u farabadan.

Xasan Ruuxaani ayaa sida uu sheegay TV-ga dalkaas helay 51%  kadib markii la tiriyay codad gaaraya 32 Million.

Dadka reer Iiraan ee codadkooda dhiibtay ayaa la sheegayaa ineey gaarayaan ilaa 50 Milion oo qof, iyagoona saakay safaf dhaadheer u galay ineey codkooda dhiibtaan.

Waa kuma Xasan Ruuxaani?

Xasan Ruuxaani, waa ninkii ugu horeeyay ee kasocda kooxaha diinta oo doorasho kusoo baxa.

Waxa uu ku dhashay tuulo lagu magacaabo Sorkheh oo katirsan dalka Iiraan sanadka markuu ahaa 1948.

Waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka ugu muhimsan siyaasada iiraan, waana nin dhexdhexaad ah.

Waxa uu xilal farabadan kasoo qabtay doowladihii hore, waxa uuna mar noqday ku xigeenka gudoomiyaha Baarlamanka.

Waxa uu kamid ahaa xubnihii barnaamijka Nuclearka dalkaas kala doodayay Yurub.

Xasan Ruuxaani, waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka uu la tashto Aayatulaahi Ali Khamanii.

Waxa uu balanqaaday inuu sii deyn doono dhamaan maxaabiista u xir xiran Siyaasada, iyo inuu soo celin doono Karaamadii ay Iiraan ku lahayd Caalamka.

Waxa uu ku hadlaa luqadaha (English, Arabic,Germany, France iyo Russia).

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here