Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland

Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka la baxay “Jubbaland” ayaa waxaa maanta isaguna ku dhawaaqay madaxweynahanimada
Jubbaland Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji].

Xasan Xaaji oo isagoo Kismaayo ku sugan ka hadlay madaxweynanimadiisa
ayaa sheegay inay doorteen dadweynaha deegaanka ubbooyinka ee dhaladka
ah, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in doorashadiisa ay ka soo baxday kulanweyne beelaha
deegaanka Kismaayo uga socday muddo saddex bilood ah.

Siyaasiga Xasan Xaaji oo ka hadlayey hab dhaqankii deegaanka ka jiri
jiray ayaa sheegay in beelaha reer Jubbooyinka ay lahaayeen xeer loo
yaqaano Xeer Waamo ayna illaa hadda ku dhaqmaan, isagoo digniin u
diray dad uu ku sheegay inaysan deegaanka u dhalan oo ay rabaan inay
wax walba xoog ku muquunsadaan, sida uu sheegay.

Xasan Xaaji wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadkii 1950-kii.
Kismaayo ayuuna ku qaatay waxbarashadiisa hoose iyo tan sare.

Horey waxaa madaxtinimada Jubbaland ugu dhawaaqay illaa shan siyaasi
oo kale kuwaasoo dhammaantood ku wada sugan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Websites beelaha Hawiye inta wax kale waayeen miyay Jubaland shaqo ka dhigteen sidii siyaasiyiintooda. Hadii wax xoog lagu haysto Shabeela Hoose iyo Sh Dhexe ma hawiyaa daganaa waligiis Jareer dalkeedii soo habargidir iyo abgaal ma qaybsan, Xamar ma hawiye kaliyaa daganaa, meeday xuquuqdii dadkii gibil cadka. meeday dhulkii iyo beerihii somalida e xooga lagu haystay. intaas oo dhan runta hadii laga sheegi waayay, Jubaland maxaa ku gaara. mida kale hawiye xoog wayba ku haystaan inta badan koonfurtee may at least maamul ka dhisaan iyo kala danbayn. war ilayn tanoo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here