Xasan: “Laamaha amaanka waxaa la hoos geeynayaa Maamulada”

Madaxweynaah oo furay shirka ammaanka Muqdisho
Madaxweynaah oo furay shirka ammaanka Muqdisho

Madaxweyne Xasan Shiikh, oo hadal ka jeedinayay Shirka ku saabsan Amniga ee maalinkiisi 2aad ka socda Muqdisho, ayaa ka dhawaajiyay, ineey go’aan ku gaareen in laamaha amaanka si toos ah loo hoos geeyo Maamulada dalka ka jira.

M/weynaha, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida ay si toos ah uga amar qaadan doonaan Gudoomiyaasha Gobolada dalka kajira.

“Dalku inuu guud ahaanba noqdo amni waa muhiimadena koobad,waxaan idin sheegaya ciidamada la hoos-geynayo maamullada waxay muhiim u noqonayaan in xubnaha maamulka ay awood u helaan inay sugaan ammaanka. Waana taas midda loo hoos-geeyay Muun-gaab ciidamada nabadsugidda iyo booliiska isugu jira” ayuu yiri m/weynaha.

Qorshaha uu xilligaan madaxweynuhu ku dhawaaqay,waxaa horay usoo jeediyey guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir kaaso xilligi lamagacaabay dalbadan in laamaha ammaanka la hoos keeno,si uu isbadal ugu yimaado amniga.

1 COMMENT

  1. walaahi waan ku faraxsanahay arimahan madaxwayne xasan sheekh
    waana talaabo hor u kac leh
    GNRAAL MUUNGAAB WAXAAN LEEYAHAY ILAAHAY HAKUGU KAAL MAYO DADAALKAAGA IN SHALAAH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here