Xasan: Iiraan waxeey Khatar ku tahay amaanka Caalamka

154217687 (1)Madaxweynaha Soomaaliya oo u waramayey wargeyska Alsharqul Awsat ayaa difaacay talaabadii dalkiisu xiriirka ugu jaray Iiraan. “Inkasta oo aan u baahanahay taageero nooc walba ah, hadana ma ogolaan karno in qaybsanaan mad-hab ku dhisan Soomaalida la dhexdhigo” Ayuu yiri Xasan Sh. Maxamuud.
Xiriirka Soomaaliya la leedahay qaar ka mid ah dalalka Carabta ayuu ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, Sucuudiga ayuu sheegay in xiriir aad u fiican kala dhexeeyo.

Soomaaliya ayaa xubin ka ah isbaahaysiga Sucuudigu horkacayo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman, sidoo kale Muqdisho waxay xubin ka tahay xulufada dalalka Islaamka ee ladagaalanka Argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa u sheegay Wargeyska in Sucuudigu ka caawinayo Soomaliya dib u dhiska Ciidanka Qaranka. Isagoo xusay in Riyaad u soo dirtay wafdi heer sare ah si ay u qiimeeyaan baahiyaha Ciidanka.

Madaxweynaha wuxu difaacay waxqabadkiisii afartii sanadood ee uu xilka hayey, Maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay dhismeen marka mid laga reebo kaas oo isaguna dhismaya buu yiri doorashada ka hor.

“Soomaaliya waxay haysaa dhabihii dib usoo kabashada” Ayuu sii raaciyey Madaxweynuhu hadalkiisa, isagoo tusaale u soo qaatay inay 40 dal safaarado ka furteen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here