Xasan Daahir Aweys oo siyaasada dowlada ku tilmaamay aanan madax banaaneeyn

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hogaamiyaasha Al Shabaab ayaa mar kale ka hadlay siyaasada dowlada KMG Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid hoos tagto shaqsi gaar ah.

Mr. Aweys oo ka mid ah dadka fara ku tiriska ah ee damaca siyaasiga ah kaga jiro in mar un ay noqdaan madaxweyne, ayaa hadal uu ka jeediyey masaajid ku yaala Ceelasha Biyaha ka sheegay in Augustine Mahiga uu xakumo dowlada KMG Soomaaliya.

“Meeshaan waxaan meeshaan joogaahi xukun ma ahan xukuumadna ma ahan waayo waxaa ku tumanaya Mahiiga, asiga ayaa wax walba ah waana macruuf, xukuumad Soomaaliyeed ee joogta Ikhtiyaar ma lahan marka dadka Soomaaliyeed in aysan ku qatalmin ayaan ku baraarujinayaa,”  ayuu yiri.

Sheekh Xasan Daahir ayaa indhawaalaba qilaaf kala dhaxeeyey Al Shabaab kadib marki hub uu isagu lahaa lagala baxay god ku yaala Siinka Dheer oo aad ugu dhaw Ceelasha Biyaha.

Al Shabaab ayaa sheegay in hubkaasi uu lahaa cadawga, halka Xasan Daahir uu wax laga xumaado ku tilmaamay in hubkaasi dadka leh lagu sheego cadaw.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.