Xasan Daahir Aweys oo ka qeyla dhaamiyey hub ay Al Shabab ka faagteen

Hogaamiyihi hore ee ururka Xisbul Islaam, Xasan Daahir Aweys ayaa si kulul u weeraray Xarakada Al Shabaab kadib marki uu ku eedeeyey in ay ka xoog uga qaateen hub isaga u duugnaa.

Al Shabaab ayaa todobaad ka hor ka faagtay god ku yaala deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho hub fara badan oo uu lahaa Xasan Daahir Aweys kaasi oo isugu jiray walxaha qarxa, rasaas iyo qoryaha lidka diyaaradaha.

Waxa uu wax laga xanaaqo ku tilmaamay war kasoo baxay afhayeenka Al Shabaab C/casiis Abu Muscab oo uu hubkaasi isaga oo ka hadlayey ku sheegay in ay heleen hub uu lahaa cadaw.

“Waxaan rabnaa amaanada dadkooda in loo guto, waxaan maqlaayey war dhaha cadawgaa la dhabar jebiyey, taasi waxay ka mid tahay waxyaabaha aan aadka ula yaabay, marka hadii maalka qof muslim ah la dhacay waxay ka dhigantahay in la baneystay sharafkiisa, maalkiisa iyo dhiigiisa,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Todobaadki hore Al Shabab iyo Xasan Daahir si maldahan ayey uga wada hadleen arinta ku saabsan hubka laga helay Siinka Dheer, waxaase shalay salaadii qudbada kadib si waadix ah u ga hadlay Sheekh Xasan.

Hase yeeshee Sheekh Xasan Daahir waxa sugaya dood dheer sidi uu dib ugu hanan lahaa hubkiisa, sababtoo ah Al Shabab ayaa sheegay in cidi leh hubkaasi ay la kori doonaan maxkamad Islaami ah.

Tani ayaa waxa ay keeni kartaa qilaaf soo kala dhex gala Sheekh Xasan Daahir Aweys oo haatan lagu tiriyo saraakiisha Al Shabaab iyo maamulka sare ee xaga amaanka ee Al Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.