Xasan Daahir Aweys oo Al Shabab ugu baaqay in ay joojiyaan dilalka iyo hanjabaada

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa noqday sarkaalki ugu horeeyey oo ka tirsan Al Shabaab oo si toos ah u weeraro siyaasada hogaanka Shabaab ee ku aadan dilalka iyo qaarijinta loo geysanayo dadka muslimiinta ah.

Hadal uu Jimcihi lasoo dhaafay ka jeediyey masaajid ku yaala Ceelasha Biyaha ayuu Xasan Daahir ku sheegay in aanan loo dul qaadan karin in dadka loo hanjabo oo la yiraahdo waan ku dilayaa, iyo in la dilo qof muslim ah iyadoo loo soo daliishanayo axaadiis aanna ku habooneyn.

Sheekh Xasan Daahir ayaa dadki uu la hadlayey u sheegay in ay ka baqayaan in ay runta sheegaan oo ay ka hadlaan qaladaadka Al Shabaab, balse uusan isaga ka baqeyn inuu runta abaaro sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu ku diiday Al Shabaab in iyaga kaliyah ay isku koobaan dagaalka jihaadka, balse aysan jrin cid si gaar ah u sheegan karto, koox walba ama qabiil walba ama shaqsi kastana uu Jihaad si iskood ah u aadi karaan sida uu hadalka u dhigay.

Waa sarkaalki ugu sareeyey oo ka tirsan Al Shabaab oo si toos ah uga eedeeyo dilal iyo hanjabaad in ay dadka muslimka ah u geystaan madaxda Al Shabaab sida uu isagaba sheegay.

Dhawaan waxaa cod muuqaal ah oo uu soo duubay boga Youtube ku shaaciyey Abu Mansuur AL Amriki oo ah hogaamiye ka tirsan Al Shabaab una dhashay dalka Mareykanka, isaga oo muslimiinta caalamka u sheegay in naftiisa ay qatar ku jirto ugana baqayo in ay dilaan Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.