Xaruntii hore ee DBG ku lahayd duleedka Muqdisho oo la burburiyey

Xaruntii hore ee Hay’ada Daryeel Bulsho Guud ee ay ku lahayd duleedka magaalada Muqdisho ayaa la burburiyey kadib markii miinooyin lagu xirey.

Sawaxanka miinooyinkan ayaa laga maqlay gelinkii dambe ee shalay inta badan magaalada Muqdisho. Waxaana la sheegay in burburinta dhismahan ay ka dambaysay ururka Alshabaab oo u muuqda inuu ka sii baxayo deegaano badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.

Burburinta xaruntan ayaa ahayd mid aan hore loo fileyn iyadoo ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay degenaayeen labadii sano ee ugu dambaysay dhismahaas kadib markii laga eryey ururka DBG oo xafiisyo ka furtay magaalada Muqdisho.

Burburinta dhismahan ayaa dad badanwaxa ay aaminsan yihiin in ay u sabab tahay iyadoo ururka Alshabaab ay ka baqayaan in ay fariisimo ka dhigtaan ciidamada Amisom oo meel aan ka dheereyn dhismahaas ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya indhismahan aysan milkiyadeeda lahayn ururka maxaliga ah ee DBG balse ay kiro ku degenaayeen.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin ururka Alshabaab ee ku saabsan burburinta loo geystey dhismahan.