Xarunta dhimirka jowhar ku guuleysatay in ay daweyso waalida sawiro

Xaruntaxanuunka dhimirka
Xaruntaxanuunka dhimirka

Xarunta daweynta xanuunada dhimirka iyo waalida ee Bil Kheyr ee magaalada Jowhar ayaa ku guuleysatay mudo lix bilood ah oo ay furantahay  in ay daweyso dad badan oo la jiifay xanuunkaasi.

Maamulaha Xarunta Maxamed Muuse Jilacow ayaa sheegay in ay ku guulesyteen in ay daweeyaan ilaa iyo 31 ruux oo qabay xanuunka ay Soomaalida u taqaano waalida oo ku badan haatan dalka.

Dadka la daweeyey ayuu sheegay in qaarkood ay sanado xirnaayeen qaarna aheeyn kuwo wadooyinka iyo suuqyada wareega iyaga oo waalan balse marki ay ku bixiyeen dadaal uu ALLE waafajiye caafimaad.

Maxamed Muse Jilacow ayaa intaasi ku daray in dadka qaar ay ku daweeyeen si bilaash ah maadaama ay ahaayeen kuwo aanan awoodin in ay iska bixiyaan qarashka xarunta iyo dawadaba.

Iminka waxaa xarunta oo ku taala xaafada Horseed ee magaalada Jowhar jiifa bukaano gaaraya 13 ruux oo qaba xanuunada ku dhaca dhimirka ama maskaxda, waxaana dadkaan haatan ay qaadanayaan dawooyinka lagula tacaalo iyadoo qaarkood ay haatan xaaladoodu soo wanaagsanaaneyso sida uu sheegay Mr. Jilacow.

Xarunta Dhimirka ee Bil Kheyr ayaa la furay 9-ki bishi December ee sanadki 2011 waxaana dadka lagu daweeyo ay isaga kala yimaadaan gobolada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo gobolada kale ee deriska la ah.

Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa aad usoo dhaweeyey waxqabadka ay xaruntan kusoo kordhisay gobolka Shabeelaha Dhexe maadaama aysan horay uga jirin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.