Xarunta Wasaaradda Gaadiidka oo si rasmi ah xariga looga jaray.

Munaasabad xariga looga jarayay xarunta Wasaaradda gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradaasi ee degmada Shangaani magaalada Muqdisho, waxaana furitaanka munaasabadaasi ka soo qeyb madaxda sare ee Dowladda KMG ah oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/Weli Maxamed Cali Gaas, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedda Aadan C/raxmaan Aadan iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Saciid Aadan Qoorsheel iyo C/raxmaan Dheere.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka, wuxuuna sheegay in Wasaaradiisu ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo Wasaaraddu aanay lahayn xarun rasmi ah, hase yeeshee waxa uu sheegay in xarunteedii rasmiga ahayd ay dib u dayactireen ayna ku howlgaleyso wixii maanta ka dambeeya.

Waxa uu sheegay Agaasime Dhagaxtuur in masuuliyiinta wasaaradda ay dadaali dheeri ah u galeen sidii dib loogu dayactiri lahaa xarunta wasaaradaasi ee ku taala Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir, isagoo sheegay inaysan jirin hay’ad ku gacan siisay dhismaha xarunta marka laga reebo shirkado gaar loo leeyahay.

Wasiiru ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka xukuumadda KMG Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dib u dhiska ay ku sameeyeen dhismaha wasaaradda oo muddo 22-sano ah burbursaneyd, isagoona sheegay inay iyagu yihiin Wasaaradda kaliya ee xarunteeda dayactiratay kuna howlgaleysa.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Saciid Qoorsheel ayaa isna sheegay in dib u dhiska wasaaradda ay gacan weyn ka geesteen shaqaalaha ka howlgala wasaaradaasi oo door muhiim ah ka qaatay sidii mar kale wasaaradda gaadiidka muddo 22-sano kadib loo howlgalin lahaa qeybaha kala duwan ee wasaaradaasi.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo munaasabadda xariga Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Cirka iyo Dhulka ayaa hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in xilligan wixii ka dambeeya wasaaradda gaadiidka ay ku howlgalayso xarunteedii hore ee iminka la dayactiray, wuxuuna ku ammaanay dadaalka dheeriga iyo mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha iyagoo isku duuban ay sameeyeen ayna markhaati u tahay in Wasaaraddu ay tahay Wasaaradda kaliya ee si rasmi ah xilligaan ugu shaqeyso shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay qabato adeegyo muhiim ah oo bulshadu baahi weyn u qabto.

Dhinaca kale xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa muddo 22-sano waxa ay aheyd mid burbursan iyadoona masuuliyiinta wasaaradaasi ay sheegeen inay si cad uga jawaabayeen baaqii Madaxweyne Shariif ee ku aadanaa in wasaaradaha ay dib u dayactir ku sameeyaan xarumahooda iyo go’aankii ka soo baxay kal hore Golaha Wasiirada oo ahaa in Wasaarad kasta xarunteediidib u degto.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, Odayaasha dhaqanka oo uu hor kacayay Imaam Maxamed Yuusuf Cali, Eng. Cabdi Jiinow Calasow Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe iyo xubno magac iyo maamuusba ku leh bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa qada sharaf u sameeyay shaqaalaha ka howlgala Wasaaradaasi, taasoo ka dhacday Baarka Liido ee magaalada Muqdisho, qadadaas waxaa ka hadlay Madax ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Abuukar Ibraahim, Agaasimaha Waaxda Badda Faadumo Maxamed Jilacow, Agaasimaha Maamulka Lacagta Maxamed Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha guud ee howlaha Maraakiibta Maxamed Macallim Imaam Eng. Qaasim Axmed Cabdulle iyo Yurub Axmed Maxamed, iyagoona dhammaantood sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in qada sharaftaan uu ku casuumo Agaasimaha guud ee Wasaaradda isagoo ka duulaya munaasabadda ku aadaneyd furitaanka Wasaaradda iyo in kor loo qaado mooraalka shaqaalaha Wasaaradda.