Xarunta gobolka Bakool ee Xudur oo gashay gacanta ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa si rasmi ula wareegay maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool, kadib markii ay ciidamada Alshabaab ay isaga baxeen saaka.

Ciidamadan ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen iyagoo aan wax iska caabin ah aan kala kulmin balse gelinkii dambe ee shalay ayaa ciidamada dowlada iyo kuwa dowlada waxa ay dagaal kula galeen ciidamada Alshabaab deegaanka Aboore.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay baaritaan ka sameyeen xaafadaha degmada Xudur lamana sheegin cid ay xireen ciidamada la wareegay gacan ku  haynta magaalada Xudur.

Si kasta ha ahaatee degmada Xudur ayaa muhiim ay u tahay ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka, waxaana laga yaabaa in weerarka  shalay lagu qaaday ciidamada Alshabaab ee ku sugnaa degmada Xudur kadib markii kulan ay yeesheen saraakiisha horkacaysa ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka
iyo wafdigii uu hogaaminayay guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.