Xarunta Dr. Ismaaciil oo cambaareyn soo saartay.

Xarunta Dr Ismaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamaha

WAR SAXAAFDEED CAMBAARAYN 

Ref-dijhro/09926/2012
March 4/2012

Inaa lillaah wa Inaa Illihi Raajicuun,Xarunta Dr. Ismaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamigu waxaa walwal iyo walaac ku haya dilkii loo gaystay markay taarikhdu ahayid march3/2012 allaha unaxariistee  wariye Abuukar Xasan Maxamuud oo ahaa agaasimihii idacada Somali wayn ee ka hawl gasha magaalada mogadisho.

Dilalkan bar-tilmaamaysiga ah ayaa xad gudub ku ah Shareecada Islaamka, Qaraarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga qodobkiisa sadexaad(3aad) ooy ku qeexantahay in qof walba wuxuu xaq u leeyahay in uu noolaado uu nabad iyo sharaf ku noolaado, axdi qarameedka  DFKG ah, xeerarka sooyaal ee Somaaliyeed .

Waxay noqotay joogto in bil walba la dilo dadka bir-magaydada ah oo ay ku jiraan
wariyayaasha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda aadamiga oo aan ayagu waxba  galabsan,dadka aan kor kusoo sheegnay ayaa ah kuwo ka warbixiya, qora,uruuriya oo kaydiya xogaha dhabta ah ee jira.marxuum Abuukar xasan waxaan Alle uga baryeeynaa in uu janadiisa geeyo xaaskiisa, caruurtiisa,  eheladiisa,bah waynta somaali way,dhamaan suxufiyiint soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in uu Illaah sabir kasiiyo Aamiin,Aamiin,Aamiin.

Walaaca weyn ee jira waa ayadoon cidna wali loo qaban saddex wariye oo lagu dilay magaalada Mogadisho saddex bilood oo isku xigta.Waxan meesha ka maqnaan doonin cabsi joogta ah oo hakad galindoonta hawlaha wax ku’oolka ah ee ay hayaan oon sinaba looga maarmin.Marka waxaa lama huraan ah in ay taxadarkooda siiyaan waqti maadaama ay nolashoodu khatar wayn ku sugantahay.

Qodobka sagaalaad(9aad)ee shirkii London laguqabtay waxaa kamid ahaa:-
(In carrabka lagu adkeeyay in ay waajib tahay in suxufiyiintu hawshooda u qabsadaan  si xor ah oo aan cabsi ku jirin.) Waa war wanaagsa oo rajo abuuraya,lakin yaa damaanaqadaya Ammaankooda.Waxaan u rajaynaynaa suxufiyiinta iyo dhaq-dhaqaaqayaash Xuquuqda Aadamuhu in ay helaan damaana qaad u saamaxa in ay nabad iyo karaama ku noolaadaan kuna  shaqeeyaana xoriyad aan argagax iyo cabsi kujirin.

Gudomiyaha xarunta
Marwo Mariam Hussein