Xarakada Shabaab oo dad rayid ah ku toogtay deegaanka Ceelasha Biyaha

Dableey hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta deegaanka Ceelasha Biyaha ku rasaaseeyey dad rayid ah iyadoo rasaastaasina ay sabababtay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 4 ayaa ku dhimtay 5 kalana dhaawac ayaa soo gaaray marki mid ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab rasaas ooda uga qaaday dad ku sugnaa gudaha Suuqa Ceelasha Biyaha.

“Walaaloow askari ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta dad rayid ah ku dilay gudaha Ceelasha Biyaha, afar ruux ayaa dhimatay meeshan dhib weyn ayaa ka dhacay, xaaladana aad ayey hada u qasantahay,” sidaa waxaa yiri qof diiday in magaciisa la shaaciyo oo aan qadka telfoonka kula xiriirnay

Ma cada sababta uu ninkan u dilay dadkaasi, balse waxaa soo baxaya warar is qilaafsan oo qaar sheegaya in ay ka fakatay qaar kalana ay dhahayaan wuxuu ceyrsanayey nin dinbiile ah.

Al Shabab loogama baran in dad rayid ah ay rasaas ku furaan, waxaase ay si bareer ah u ugaarsanaa dadka la shaqeeya dowlada KMG Soomaaliya, AMISOM, hey’adaha gargaarka ee ay mamnuuceen iyo kuwa kasoo horjeeda afkaarahooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.