Xarakada Alshabaab oo u magacowday Xasan Yacquub Cali Guddoomiyaha gobolka Galguduud

Xarakada Alshabaab ayaa u magacowday Sh.Xasan Yacqub Cali inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Galguduud kadib markii xilka laga qaaday Sh.Cawaale Maxamed Cali.

Sh.Xasan Yacqub oo la sheegay in uu hadda ku sugan yahay gobolka Galguduud ayaa sida ay sheegtay idaacada Andulus waxa uu kulamo la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada  gobolka Galguduud.

Dowlada Kenya ayaa dhowaan shaacisey in Sh.Xasan Yacqub iyo sarkaal kale oo ka tirsan ururka Alshabaab ay ku dishey weerar cirka ah oo ay ku qaaday magaalada Kismaayo.

Hase yeeshee Xasan Yacqub ayaa beeniyey in xitaa dhaawac uu ka soo gaaray dagaaladii loogaga saaray ururka Alshabaab qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Yacquub ayaa sheegay in dadka ku nool Galgaduud ee uu la kulmay ay kala hadleen sidii ay u taageeri lahaayeen dagaalka Alshabaab kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ka socda dalalka Afrika.

Sh. Xasan Yacquub ayaa waxa uu guddoomiye ka ahaa degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose muddooyinkii u dambeeyey waxaana haatan la wareegay gacan ku haynta degmadaas ciidamo huwan ah oo ka kooban kuwo taabacsan dowlada Soomaaliya,ciidamo Kenyan ah iyo kuwo ka tirsan jabhada Raaskaambooni.

 

 

 

2 COMMENTS

  1. ILAAH KACABSADA SOMALI BAAD ISKU TIHIIN GAALKA WADANKA JOOGA ISKA BAXSHA HESHIIYANA WAR HAISDILININA ILAAHAY DAR TIIS ISKU DHAAFA DHIIGIINU XAARAAN AYUU INKAYAHAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here