Xarakada Al Shabaab oo qabsatay magaalada Dhuusamareeb

Al Shabaab ayaa saakay la wareegtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud kadib marki ay weerar gaadma ah ku qaadeen.

Shabaab ayaa weerar xoogan kaga soo qaaday magaalada dhinaca degmada Ceelbuur, waxaana inta aysan qabsan ka hor ka dhacay dibada magaalada dagaal xoogan oo marki danbana la isla soo galay gudaha magaalada.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, sidoo kalana ma cada dhibaatada kasoo gaartay dadka rayidka ah.

Maamulka iyo dagaalyahanada Ahlu Sunna ayaa magaalada isaga baxay iyadoo xiligaanna laga maqlayo gudaha magaalada rasaas ay ridayaan Al Shabaab.

Lama yaqaano halki ay u baxeen Ahlu Sunna, waxaana dad badan ay ku noqotay arintaan filian waa in kastoo Al Shabaab ay dhowr jeer oo hore xoog ku qabsadeen Dhuusamareeb balse ay mar kale dib ula wareegi jirtay Ahlu Suna.

Waxaa haatan dadku ay ka cabsanayaan dagaal kale oo ay Ahlu Sunna soo qaado sida looga bartay.

Dhuusamareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud ayaa dhowr jeer waxa horay u qabsaday Al Shabaab balse waxaa dib uga qabsan jiray mar walba Ahlu Sunna.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Let shabab kick far away this guys calling themseves Al suna from Dusamar for ever. InshaAllah Al-shabab will win .

Comments are closed.