Xarakada Al-islaax oo si rasmi ah u taageertay musharaxa Baadiyoow

Xarakada Al-islaax(Ikhwaanu muslimiin) ee Soomaaliya,ayaa bayaan ay maanta soosaartay si rasmi ah ugu dhawaaqeen ineey taageersanyihiin murashaxa C/raxmaan Baadiyoow,ayna ku garab taaganyihiin mashruuca (badbaadinta wadanka) oo halkudhig u ah murashaxa.

Xaflad weyn oo si heersare ah loo soo agaasimay,ayaa waxay kadhacday hoyga uu ololaha kawado murashaxa Baadiyoow,waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiinta ugu sareysa ururka Al-islaax oo uu ugu horeeyo kormeeraha guud ee ururka Dr Cali Baashi Cumar.

Waxaa xusid mudan in murashaxa madaxtinimada dalka Dr. C/raxmaan Baadiyoow uu ku dhawaaqay bishii june ee tagtay inuu yahay murashax madax banaan unataagan jagada madaxtinimada dalka Soomaaliya,waxaana aad usoo dhoweeyay isla markiiba waxgaradka soomaaliyeed,sida odoyaasha dhaqanka aqoonyahanada,waxaana ugu danbeeyay xarakada Al-islaax oo uu murashaxa kamid ahaan jiray kalhore kahor intuusan isku soo sharixin jagada madaxtinimada.

Murashaxa Baadiyoow ayaa balanqaaday inuu wax kaqaban doono musuqmaasuqa ladagay dalka,iyo inuu dhisi doono ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,sidookalena uu hormarin doono dhanka waxbarashada iyo kaabayaasha dalka hadii isaga ladoorto,waxa uuna halku dhig kadhigtay (Badbaadinta dalka).

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here