Xarakad Al-shabaab oo Guulo ka Sheegtay Weerar Dhicisoobay oo Faransiiska ka Fuliyeen Buulo Mareer

Sargaal uhadlay ururka Al shabaab ayaa waxa uu sheegay inay iskacaabiyeen weerar ciidamada Nato kuqaadeen fariisin ay kulahaayeen deegaankaS eydoog oo qiyaasti 4-km ujirta Buulo mareer.

Waxa uu sheegay sargaalkaasi uhadlay shabaabka Buulo in ay kudileen weerarkii lagu soo qaaday labo ka mid ah ciidamada France isagoo sheegay in fashil uu ku dhamaaday hujuumkii lasoo qaaday.

Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa al shabaab idaacada afkooda kuhadasha waxa dad dhageystay ay sheegeen in saaka ay baahineysay in weerarkaasi lagu dilay askar faransiiska udhashay.

Faah faahino dheeraad ah ma aysan bixin shabaab oo ku aadan weerarkii xalay ka dhacay Buulo mareer waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay hadlaan midkood Abu  muscab ama Cali dheere oo shabaab saxaafada uqaabilsan.

Wixii kasoo kordho dib ayaa kala socon doontaan inshaallah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here