Xaqiiqooyin ku saabsan Kulanka El Clasico ee Real Madrid iyo Barcelona

ronaldo-messiEL CLASICO: ma ahan labo eray oo xan ka ah cayaaraha dunida, waana kullan lawada jecel yahay oo u dhaxeeya awooddweynayaasha kubbadda cagta ee Real Madrid iyo Barcelona, waxa lagu iloobaa hardanka siyaasadda dunida iyo dagaalladii lagu aafoobay ee ka dhacay meelo badan oo adduunka ah.

Xilli ciyaareedka 2016-2017, waxaa ku jirta labo ciyaar oo ay kooxahan wada qaadan doonnaan, Sabti oo ay taariikhdu tahay 3 December sannadka 2016, waxaa la dheellayaa kullanka ugu horreeyo, iyadoo la isaga horimaan doonno garoonka Camp Nou oo ay ku dheesho naadiga Barcelona, caadiyan waa la sii ogyahay waqti loo madlansan yahay kullanka xiga waana mid dhici doonto 23 April 2017, waxaa la isku wajihi doonnaa garoonka caasimada ku yaal Santiago Bernabeu.

Haddii kullankan aad qorsheyneysid inaad ka daawatid garoonka waxaad u baahan tahay billo badan inaad ka sii shaqeyso helida tikidh-ka kuu saamaxayo inaad ciyaartan daawato, waxa ciyaarayo waa Barcelona iyo Real Madrid, oo laga sugayo ciyaar adag oo misane ku dhisan xeelad.

Dhanka Baahinta

Marka laga yimaado dawadayaasha gelayo garoonka waxaa aad uga badan kuwa ku sugan dunida inteeda kale ee shaashadaha uga diyaar garoobayo.

Ingiriiska, waxaa xuquuqda baahinta horyaalka La Liga is ka leh SKY SPORTS.

Mareykanka, dadka joogo inay daawadaan El Classico, waxaa ka caawin doonno beIN Sports oo heysato xuquuqda baahinta Mareykanka ee cayaaraha.

Canada, isla beIN Sports ayaa laga daawan doonnaa.

India iyo Pakistan, waxaa laga heli doonnaa STAR SPORTS.

Australia, iyana waxaa laga daawan doonnaa beIN Sports.

Barriga dhexe, beIN Sports

Caribbean & South America – Waxaa laga kala dheehan doonnaa Direc TV & ESPN Latin America

Haddii aad heysatid Internet wanaagsan, waxaa kuu sahlan inaad daawatid ciyaarta Barcelona iyo Real Madrid.

In la helo El Classico, ayaa la rumeysan yahay inay soo bilaabatay markii labadan kooxood waa Barcelona iyo Real Madrid ay heleen guddoomiyaal wanaagsan, Madrid ayaa heshay Francesco Franco, halka Barcelona iyana dooratay inuu hoggaamiyo Josep Sunyol.

Real Madrid, ayaa hoggaamineyso guusha fool ka foolka ah, waxanna ay adkaatay 93 kullan halka Barce ay guul gaartay 90 kullan. Dhammaan kullamada la ciyaaray Barcelona waxa ay adkaatay 109, halka Madrid ay libinta heshay 97, horyaalka La Liga waxaa waligeed heerka labaad u dhicin naadiga Atletic Bilbao.

Ciyaartii ugu dambeysay ee labadan koox isaga horyimaadaan waxaa badisay Real Madrid, iyadoo Barcelona looga adkaaday 2-1, kullanka xiga waa mid iminka loo ballansan yahay.

Ciyaaryahankii ugu safashada badnaa ciyaaraha labadan naadi waxaa uu ahaa Manolo Sanchez, waxa uu saftay 43 ciyaarood, halka ninka ugu goollasha badan kullankan uu yahay Lionel Mess, oo weli qeyb ka ah El Classico, waxanna uu dhaliyay 21 gool, xiddiga labaad waa Alfaredo di Stevano oo Real ah kaas oo ansixiyay 18 gool, qofka seddexaad waa Ronaldo oo isna weli qeyb ka ah ciyaarahan16 gool ayaa ka dhaliyay.

19 June 1943-kii waxaa guushii ugu weyneyd gaartay kooxda Real Madrid, kaddib markii ay Barcelona uga badisay 11-1.

Waxaa min labo seddexleey ka dhaliyay El Classico, laacibiinta kala ah Lionel Messi iyo Ferenc Puskas, caawiyaha ugu fiican El Classico waa Messi, taariikhda inta la ogyahay waxa uu caawiyay 13 gool.

Wararka kooxaha

  • Barcelona, ayaa heleyso war ah inuu dib ugu soo laabtay tababarka Andres Iniesta, kaas oo qabay dhaawac dhanka jilibka ah mana la hubo inuu safka kusoo bilaaban doonno iyo in kale.
    Macallin Enrique waxaa ciyaartan ka maqnaan doono Jordi Alba, xiddiga ayaa dhaawac jilibka iyo mid canqowga ah waxa uu kala kulmay kullankii ay kooxdiisa la qaadatay Real Sociedad.
    Gareth Bale, ayaa kooxdiisa Real Madrid ka maqnaan doonno ilaa iyo bisha April, waxanna uu marayaaa qalliin canqowga ah, halka Toni Kroos iyo Morta ay kullankan ku seegi doonnaan arrimo ku aadan dhaawacyo.
    Ugu dambey macallin Zidane aye macquul tahay inuu adeegsado Raphael Varane, haddii la heli waayo Pepe.
    Safka macquulka ee Barcelona:-

Ter Stegen, Pique, Mascherano, Digne, Roberto, Rakitic, Busquets, Gomes, Luis Suarez, Messi, Neymar

Safka macquulka ee Real Madrid:-

Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Kovacic, Modric, Casemiro; Ronaldo, Benzema, Isco

Real Madrid, ayaa iminka heyso hoggaanka horyaalka waddanka Spain, waxanna ay lix dhibcood ka sarreysaa naadiga ay la ciyaareyso ee Barcelona.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here