Xanta suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay Wargeysyada Ingiriiska ka qoreen

BaccaAqristayaasheena sharafta lahoow waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, gaar ahaan waxyaabihii ay ka qoreen Wargeysyada ugu afka dheer Ingiriiska.

Slaven Bilic, tababaraha West Ham ayaa maanta wadahadal la gali doona maamulka sare ee kooxdaas si ay uga wada hadlaan mustaqbalkiisa kadib guuldaradii kasoo gaartay Arsenal sabtidii. (Mirror).

Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane kaas oo 23-jir ah ayaa doonaya inuu sii joogo kooxda waayahiisa ciyaaraha xilli uu lix sanadood oo heshiis ah u saxiixay isbuucii h–e. (Mirror).
Tottenham Hotspur ayaa u ogolaaneysa kabtankooda Hugo Lloris kaas oo 29-jir ah inuu isaga tago kooxda dhamaadka xagaagan, waxeyna isha ku hayaan iney badalkiisa keenaan Joe Hart oo 29-jir ah iyo Jordan Picford oo 22-jir ah. (The Sun).

West Ham United iyo Crystal Palace ayaa isku dayaya saxiixa weeraryahanka Newcastle United Aleksandar Mitrovic, kaas oo 22-jir ah marka la gaaro bisha January. (Record)

Juventus ayaa u dhaqaaqeysa soo xerogalinta xidiga khadka dhexe kooxda Atalanta iyo qaranka Ivory Coast Franck Kessie kaas oo 19-jir ah, sidoo kale kooxaha reer England ee Arsenal iyo Chelsea ayaa xiiseynaya. (Goal)

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here