Xagee buu ku danbeeyay shirkii Cadaado Xogg

Cabdi Qeybdiid
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa lagu soo waramayaa inuu gaaray magaalada Cadaado ee gobolada dhexe wuxuuna sheegay in shirka lagu dhisayo maamulka gobolada dhexe uu ka dhici doonno magalada Cadaado.

Cabdi Qeybdiid ayaa safarka uu ku tagay magaalada Cadaado ay ka dambeysay kadib markii kala aragti duwanaasho ay soo kala dhexgashay isaga iyo hogaanka sare ee dowladda Somalia.

Cabdi Qeybdiid ayaa dhawaan lagu qanciyay inuu ka tanaasulo loolanka madaxweynenimo ee maamulka gobolada dhexe taas badalkeeda la siinayo jagada Taliyaha ciidanka Booliska Somaliyeed oo dhawaan loo magacaabi doonno laakin waxaa la sheegay in lagu balan furay Cabdi Qeybdiid inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Somalia.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in madaxweynaha maamulka gobolada dhexe uu noqdo C/kariin Xuseen Guuleed oo horey ugu fashilmay jagada Wasirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyadoo rag loolan culus uu kala kulmayay oo uu kamid ahaa Cabdi Qeybdiid la doonayay in lagu mashquuliyo in loo magacabi doonno xilka Taliyaha Ciidanka Booliska.

Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in Cabdi Qeybdiid ayaa lagula balamay in loo magacaabi doonno Taliyaha Ciidanka Booliska  maamulka la sameyn doono bishan Maarso oo gabo gabo ah waxaana xiriiro uu Cabdi Qeybdiid uu la sameeyay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa kala ah C/kariin Xuseen Guuleed iyo Faarax C/qaadir uusan wax jawaab ah ka helin loona sheegay in ay jiraan howlo kale oo ka horeeyo magacaabistiisa taas oo Cabdi Qeybdiid ka careeysiisay.

Si kastaba Cabdi Qeybdiid ayaa horey u soo noqday taliyaha ciidanka Booliska Somaliyeed waxaana xilligaas ciidamada Booliska hareeyay masuq maasuq kii ugu xumaa isagoo ku fashilmay jagada Taliyaha booliska ayuu mar kale ku haminayaa Cabdi Qeybdiid inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wixii warara dheeraad kala soco bogga midnimo

 

1 COMMENT

  1. Aad baan uga xumahay midnimo.com wararka daacadnimadda ka fog ee aad u qortaa dadka ku tiirsan wararkiina. sababtoo ah waxaan ka soo dhadhamayo maqalkaan naceyn iyo eex aad 2mada masuul ka sheegtay. Taasioo aan dhii karo wax ka jiro ma jiraan iney 2da masuul ku fashilmeen xilalkii ay ka soo kala qabteen Dalka. Dhibaatadda Soomaliyana maaha wax shaqsi ama hal qof uu xalin karo. haddii ay sidaasi ku xalismi lahayd, waxa hada socdaa ma dhaceen. oo aad waad aragtaa dhibaatadda iyo amni darada dalka ka jirto ineysan waxba iska bedelin. shalay ayayna ahayd in dhowr iyo tobon qof ay naftooda qiimaha badan ku wayeen weerarki arxandaradda ahaa ee ka dhacey hotel maka al mukarama.

    Dhibaatadda dalka ka jirto maaha wax hal berri xalkeeda ku imaanayo. waxa ay u baahan tahay waa waqti iyo dadaal badan oo ada socda ee lagu saxayo Qaladadka jiro. hase ahaatee 2da masuul waa ay dadaalayaan sida ay anigu ila tahay. maadam ay weli u taagan yihin iney wax u qabtaan umaddooda.

    Dalkaani shaqsi waxba ma qaban karo ee muhimadda waa wada shaqeyn iyo in dadka ay dantooda wada gartaan. laakiin inta aad eex iyo nin jecleysi aad meeesha ku heysaan( midnimo.com) qeyb ayaad ka tihiin dhibaatada ka jirto Dalka. wararkiina qiimo badan kuma fadhiyo…

    waad mahadsan tihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here