Xafladdo lagu xusaayo 26-June oo caawa ka socda Muqdisho

Waxaa caawa deeganno badadan oo ku yaalla  dalka Soomaaliya ka dhacaya munaasabado lagu xusaayo 26-June oo ah markii ay xornimo qaateen gobalada waqooyi ee dalkeena Soomaaliya.

Meelaha sida wayn looga xusayo 26-ka June ee oo ka soo wareegtay 53-sanno waxaa ka mid ah xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Waxaa la soo sheegayaa in xafladda ka socoto xarunta madaxtooyada Soomaaliya ay ka qaybgalayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qaybo ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda qabanqaabo ku aadan 26-ka June oo ah markii ay xoreebeen gobalada waqooyiga dalka Soomaaliya.

Xafladda xarunta Villa Somalia waxaa ku sugan dad aad u badan iyo fannaaniin kuwaasoo aad ugu faraxsan in magaalada Muqdisho lagu qabto xilli habeen mid ka mid ah maalaha xoriyda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wadooyinka Muqdisho waxaa caawa lagu xardhay calanka dalka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in caawa marka ay tahay saqda dhexe la saaro calanka dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here