Xafladda Furitaanka Kalfadhiga Labaad Ee Baarlamaanka

Madaxda ugu sareysa Dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka ayaa kasoo wada qeybgalay Xafladda furitaanka kalfadhiga Labaad ee Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow ka bilaabatay dugsiga tababarka Ciidammada Booliiska General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah sidoo kale Ra’isulwasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane C/laahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Mudane Muxidiin Maxamed Kaalmooy,Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka Mudane Ibraahim Isxaaq Yaroow,Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, safiirro uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo intabadan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga Labaad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay diblumaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya, maamullada iyo macalimiinta jaamacadaha Dalka qaarkood, marti sharaf ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo fanaaniin.

Furitaankii xafladda ayaa fanaaniinta kooxda Heegan ee Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed waxey kusoo bandhigeen suugaan kala duwan oo wadani ah ayadoo sidoo kalena ay goobta heeso wadani ah ka qaadeen fanaaniin ka mid ah fanaaniinta kasoo laabatay qurbaha ee mudooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho sida fanaaniinta kala ah Fartuun Axmed Sahal (Fartuun Birimo) iyo Raxma Ruuxii.



Madaxda sare ee Dalka oo madasha ku sugan ayaa goobta ka jeedin doona khudbaddo kala duwan ayadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah u furi doono kalfadhiga labaad ee golaha Baarlamaanka sida uu sharcigu qabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here