Xaflad soo dhaweynta Jaamacada Jobkey ee Jowhar

 

Ardeyda Jaamacada Job Key ee Jowhar
Ardeyda Jaamacada Job Key ee Jowhar

Xafladdan ayaa waxa soo dhaweeyay dhamaan ardada waxa ka barata jaamacada, maamulka degmada Jowhar ,maamulka dallada waxbarshada shabelle iyo dhamaan waalidiinta  arddada waxka barata jamcada.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Cabdullaahi Caagne oo ah madaxa xisaabta jaamada Jopkey wuxuuna ku guubaabiyay ardada iyo dadka reer Jowhar inaay ka faa’iideystaan masterkan lacag la’aanta ah ee jaamacadu ugu talagashay gabdhaha jaamadda dhigta halka wiilashana loo sameynayo qiimo dhimis maadaama ay xiriir lasameeyeen jaamcada Mahatma Ghandhi ee dalka Hindiyaa oo u fududeysay inaay ka dhigan karaan iyagoo jooga wadanka qaadana karaan shahaadada Mahatma Gandhi bixo ee Hindiya .

Waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiye ku xigeenka dallada waxbrashada shabeelle Axmed Cabdi Maxamuud( Axmed Jiis) oo ku dheeraada wanaaga ay jaamacaddu ka sameysay magaalada Jowhar horeyna ay jaamacado ka horeeyay gobalka yimaadeen balse burbureen lkin ay iyadu u dhabar adeytay uan asheegay ardadada sanadka 2015—16 inaay ka faa,iideystaan iyagoo grigooda jooga

Waxaana dhamaan ka qeybgalayaashii iyo ardayda kaga mahadceliyeen maamulka jaamacada inaay kumahadsan tahay wanaaga ay u sameeyeen bulshada ku dhaqan gobalka sh/dhexe .

Gabagadii waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeen jaamadda jopkey qeybta tacliinta sare Maxamed Xuseen Axmed( Taakow) ayaa sheegay marlaweeydiiyay waxa ay udoorteen gabdhaha wiilashana ugu dhigeen Scollarship inaay gabdhaha kor looqaado si ay ugu daydaan gabdho badan una soo baxaan gabdho aqoon leh maadaama ay aqoontu usiman yihiin gabdho iyo wiilala meeshana laga saaro inuu waalidku wiilasha xooga saran iayadoo baraanburo iyo gabayo guubaabo ah laga soo jeediayay goobta

Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey cali ayaa dhigiisa sheegay inaay jopkee qabatay wax badan oo loo baahna nasiibna u yeelatay inaay baajiyaan arday badan oo xamar ka dhigan lahaa ama aadi lahaa magaaladay gurigooda oo laga warqabo baajiyaana dhaqaale badan oo aysan awoodin reerka ardada dhalay iyo kuwa danyar ahba inaay jamada ku dhigtaan lacaglaan marka laga reebo adeegyada korantada iyo biyaha waliba ay helaan mastar lacagla,aan ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta jaamacada jopke.oo xafladeeda ka dhacday Jowhar.

Jaamacada Jobkey Xarunteeda Magaalada Jowhar ayaa waxaa iminka ku socoto dardar xoogan ka dib markii Maamulka sare ee Jaamacada wax badan laga bedelay iyadoo xiligaan uu xilka haayo Dr Cali Adan Axmed oo ah sii hayaha xilka Agaasimaha Jaamacada Jobkey Jowhar waxaana la filayaa inuu is bedel cusub ku soo kordhiyo madaama uu yahay nin firfircoon xilaal kala duwana soo qabtay.

Ardeyda Jaamacada Job Key ee Jowhar
Ardeyda Jaamacada Job Key ee Jowhar

Xiggasho: Warkajowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here