Xaflad loogu dabaaldagay 35 guuradi kasoo wareegatay maalinta xoriyada Jabuuti (Sawiro)

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay Maaminta Xornimada Jabuuti, markii xornimada ay ka qaateen gumeystihii Faransiiska ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabisay Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasabadan oo ay ka qey galeen Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas, Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Safiirada Turkiga, Yemen Ethiopia, Saraakiil, Fanaaniin iyo Qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Ugu horeyn Safiirka Soomaaliya u fadhiyadowladda Jabuuti,Dayib Dubad Rooble, ayaa ka hadlay qiimaha maanta ay uleedahay shacbiga reer Jabuuti maadaama ay tahay 35,sano guuradii ka soowareegatay Xurnimadii Jamhuuriyadda Jabuuti.

“27,June waa maalin ku weyn dadweynaha reerJabuuti, waa maalintii ay xurnimada qaateen, xornimada maanta ay JamhuuriyadaJabuuti heysato ragbaa u soo halgamay, balse waxaa kaloo inoo farxad ah in maantaaynu Munaasabada ku qabsano Magaalada Muqdisho,taasina waxey ka turjumeysaa inay Muqdisho amaan tahay oo la isku laheyn karo, Sida aad aragtaana munaasabaddawaxaa ka soo qeybgalay Safiiro badan oo Muqdisho ku sugan”.

Safiirka ayaa intaa ku daray in JamhuuriyadaJabuuti ay ka go’an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeedayna ku garab istaagaan sidii ay uga bixi lahaayeen KMG iyo dhibaatooyinkakale.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ugu hambalyeeyay Sanadguuradii 35-aad ee xurnimada Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shacabkooda, Wuxuuna intaa ku daray in Walaalahayaga ee Jabuuti ugumahadcelineynaa sida hagar la’aanta ah ay u taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed,

Wuxuuna intaa ku sii daray in Munaasabadaani teeda kale lagudhigi doono Soomaaliya oo dowladda taam ah yeelatay islamarkaana Amaan u soojeediyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo dagaal ugu jirasidii dalka looga xureyn lahaa Kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Dr.Cabdiweli ayaa sheegay inmarnaba aysan mushtamaca Soomaaliyeed aysan ilaawi doonin dadaala ay ka heleynwalaalahooda Reer Jabuuti,Wuxuuna xusay in mar dhowna Ciidamada Jabuuti eeMuqdisho ku sugan la geyn doono Magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa isna goobta ka hadlaywuxuuna sheegay iney si farxad leh ula dabaal dagayaan 35 sano guuradii ka soowareegatay xilligii ay Jahmuuriyada Jabuuti ay heshay madaxbanaanideeda.Waxaanasidoo kale uu sheegay in ay Walaalaha Jabuuti ugu mahadcelinayaan dadaalada ayka geysanayaan Arrimaha Soomaaliya, Waxaana sidoo kale u rajeynayaa hormar iyonabad waarto.

–DHAMAAD –